Site icon Qaamuus

jawaabta

qiimo
(m.l)

ld qiime.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qiimo

jaabo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Qoryo qallalan oo dabka lagu shido; xaabo; qoryo. 2. Alaab aan qiimo lahayn. ld jaabajaabo. jaabajaabo, qoryo, xaabo

ujro [m.dh]
Lacag ama wax kale oo qiimo leh oo shaqo la qabtay lagu bixiyo ama laga qaato. ld ujuuro.

xamaan [m.dh]
Alaab aan qiimo badan lahayn oo guryaha looga dhaqmo. ld xamaamo.

yaw [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Y. ah: qof damac iyo hunguri badan leh oo bulshada dhexdeeda aan qiimo ku lahayn.

abaalgud [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Wax qiimo leh oo la siiyo qof hawl dheeraad ah qabtay; abaalmarin. 2. ld abaalgudid.

bantar [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. B. ah: fal aan qiimo lahayn, kibir ku jiro oo cidi ku kacdo. 2. B. ah: hilib aad caato u ah oo aan la cuni karin.

bantar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Fal aan qiimo lahayn oo kibir ku jiro ku kicid. 2. Hilib aad u caatoobid.

baqti-afuuf [m.l]
1. Diqsi waaweynoo aan laga waayin meesha baqti yaal. 2. B. ah: qof wax aan qiimo lahayn bunbuuniya. ld bakhti-afuuf¹.

baqti-afuuf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
1. Wax aan qiimo lahaayn buunbuunin. 2. Nafley aad u liidata taakulo dheerad ah siin si ay u noolato. ld bakhti-afuuf².

beegso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Qof qiimo ama dhaqaale dheeraad ah leh isla simid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version