Site icon Qaamuus

jawaabta

qodan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-dmay, -dantay; -dmi)

Dhul wax la qoday noqosho.

qodan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-dnaa, -dnayd)

1. Dhul, meel iwm wax la qoday ahaansho. 2. Beer wax la falay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qodan

hog [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-gag/-go, m.l)
1. Meel hoos u qodan; god. 2. God deb lagu shido oo hilib lagu dubo. 3. God daawo ku jirto oo ariga ama lo'da lagu dhayo.

huyuumas [m.l]
(baay.) Maatar kiimiko ahaan burburay ama qayb ka mid ah burburtay kana mid noqday carrada, kaasoo asal ahaan ka yimid dhir ama xayawaan. Dhulka aan beernayn huyumasku waxuu uga yimaadaa dhir hore oo si dabiici ah u quruntay; dhulka qodan ee la beeray huyumaska wuxuu ka helaa digada xoolaha lagu bacrimiyo.

labadulleysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Xabaal hab labadulle ah u qodan ahaansho.

qanjir-bituwitary [m.l]
(c.nafl.) Qanjir dhiiqa ugu muhiimsan: qanjir yar oo ku yaal “hypothalamus-ka” hoostiisa wuxuuna ku jira god laf ka dhex qodan lafta madaxa salkeeda.

qodmid [m.f.dh]
eeg qodan¹.

qodnaan [m.f.dh]
eeg qodan². ld qodnaansho.

qow-weyn [m.dh]
(juqr.) Bohol weyn oo hoos u qodan oo leh dhinacyo dhadhaabeed oo tiiro toosan leh. Waxaa badanaa sameeya tog mara dhul oomane ah o gooya dhadhaabaha jilicsan.

sagax [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-xyo, m.dh)
S. ah: wax fidsan oo aan gun hoos u qodan lahayn.

qod [m.l]
Wax iswato qayb ka mid ah.

qod [m.l] (-dad, m.l)
Qori weyn oo qalalan.

qod [m.dh]
1. Dhinac; gees. 2. Qayb; in.

qod [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Meel duleelin. 2. Beer ka shaqeyn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version