qodid
(m.f.dh)eeg qod². ld qoditaan, qodniin, qodow.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qodid ↴
daab [m.l] (-bab, m.l)
Qori ama bir la qabsado oo ku rakiban qalab goynta, jebinta, qodidda
iwm loo adeegsado.
daab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado, qori ama bir la qabsado ku rakibid.
faag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Dhul iyadoo aan hoos loo dheereyn qodid. 2. Geed, koor iwm laga qorayo qaabayn.
faago [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-gtay, -gatay)
1. (f.g) Dibi jixinaya raaf dhul ku jiidid. 2. (f.g) Dhul hoos u qodid. 3. (f.mg) Ka f.: in yar ka
fogaasho.
fag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Dhul si aan dheereyn u qodid.
fal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
1. Wax samayn. Tus. “Arrintan anigaa falay”. 2. Wax sixrid. 3. Beer qodid. Tus. “Beertii baan soo falay”. 4. Dhul bannayn. Tus. “Ciisaa dhabbe falay”. 5. Harag jilcin.
far [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Meel, jir iwm qalab caarad dhuuban ku qodid. 2. Cid farriin u dhiibid. 3. Cid amar siin.
hul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ulay, -ushay)
Meel qodid ama daloolin.
labadullee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -leysay)
Xabaal labadulle ah qodid.
mabac [m.l]
Dhagax, dhadhaab iwm oo aad u adag oo qalabka qodidda iyo jabintu ayan burburin karin.
qod [m.l]
Wax iswato qayb ka mid ah.
qod [m.l] (-dad, m.l)
Qori weyn oo qalalan.
qod [m.dh]
1. Dhinac; gees. 2. Qayb; in.
qod [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Meel duleelin. 2. Beer ka shaqeyn.