Site icon Qaamuus

jawaabta

qodob
(m.l) (-dbo, m.l)

1. Dun, xarig iwm oo laba waxood ama ka badan la iskula qabto. 2. Musmaar gaaban oo dabada u buuran oo kabaha lagu qurxiyo. 3. Qaybaha sharciga u qaybsama mid ka mid ah. 4. Summad xoolaha lagu dhigto oo u eg nuunka carabiga oo hoos u jeeda. 5. Qormooyinka wargeyska ku qoran mid ka mid ah; maqaal; qormo.

qodob
(m.l) (-dbo, m.l)

(nax.) Qurub magacyada qaarkood ka raaca dhammaadka si uu uga dhigo wax cayiman. Tus. “Aqal-ka”, “inan-ta”.

qodob
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-dbay, -dobtay; -dbi)

1. Dun, xarig iwm laba waxood iskula qabasho. 2. Musmaar gaaban oo daba buuran leh kabo iwm ku qurxin. 3. Gabadh la guday tolid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qodob

ta [q.dh] (-ta)
Qodob magaca dhaddig dib looga qodbo si looga dhigo wax cayiman. Xarafka “t” ee qodobkan wuxuu isu beddelaa “d” markuu raaco magacyada lab oo ku dhammaada d,c,x, h, y, iyo (') hamsa. Markii la raaciyana magac ku dhammaada xarafka “l” labadaa xaraf waxay isu beddelaan “sh”. Tus. “ul+ta-> usha,bad+ta> badda”.

ka [q.l] (-ka)
Qodob magaca lab dib loogu qodbo si looga dhigo wax cayiman. Wuxuuna raacaa magacyada lab oo ku dhammaada b, d, f, l, n, r, s (sh). Qodobkaa waxaa ka farcama: -ga, -ha, -a oo raacaan magacyada kale ee labka ah. Tus. “ nin+ka->ninka, buug+ka->buugga”.

aawo [m.dh]
Erey aan keligii istaagin in qodob lahaansho lagu daro mooyee, sida: -diis, -deed, -dood iwm oo macnahiisu yahay qof ama wax dartood. Tus. “Cali, Caasha aawadeed ayuu halkan u yimid”. ld aw.

ammaan [m.l]
1. Nabadgelyo. 2. Qodob yar oo ku yaal buntukha, bistooladda, hubka qarxa iwm oo marka la xiro qaraxa ka ilaaliya rasaasta ama hubka kale. 3. Cad kala bara kuruska geela oo sida badan ceeriinka laga cuno.

cusko [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-kaday, -katay)
1. Ul, derbi, geed iwm tabaryari awgeed miciinsasho. 2. Fikrad ama qodob sharci xigasho. 3. Eebbe miciin ka tuugid.

magacuyaal [m.l] (-llo, m.dh)
(nax.) Qayb hadalka ka mid ah oo magac baddesha waxayna kala yihiin; m. ebyoon oo ah kuwa keligooda istaaga oo qodob yeelan kara (aniga, adiga iwm), iyo kuwo aan abyoonayn ama dhammayn, qodobna qaadan karin (i, na, ku, idin).

qodbid [m.f.dh]
eeg qodob².

qod [m.l]
Wax iswato qayb ka mid ah.

qod [m.l] (-dad, m.l)
Qori weyn oo qalalan.

qod [m.dh]
1. Dhinac; gees. 2. Qayb; in.

qod [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Meel duleelin. 2. Beer ka shaqeyn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version