qof
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine) (-faf, m.l)1. Shakhsi aadami ah. 2. Q.na: ninna, cidna. 3. Q.af: dad.
qof
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine)(nax.) Mid ka mid ah kaqaybgalayaasha warisgaarsiinta: “aniga” waa qofka 1aad oo hadlaya, “adiga” waa qofka 2aad oo ah lala hadlaha, “isaga”/”iyada” waa qofka 3aad oo ah laga hadlaha; saddexdaan qof kala keliga ah mid weliba waa wadaroobaa: 1aad “annaga/innaga”, 2aad “idinka”, 3aad “iyaga”.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qof ↴
aabo [m.l]
Dareen naxariis, rabitaan iyo
xurmayn leh oo qof qof kale u hayo. eeg aabbo, aabbe.
aad [mu.dhm.y]
Magacuyaal tilmaama qofka labaad ee kelida ah (lala hadlaha ama wax loo qoraha). "Ninka aad la hadashay waa walaalkay". ld aa(2), aydin. aa, aydin.
aah [Erey Dareen | Exclamation]
Cod yar oo qof xanuun hayo ka soo baxa. ld ah². ah
i [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaa-
maya qofka koowaad ee kelida ah, oo laga
hadlaayo.
taa [mu.ti.dh] (kuwaas, w)
Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka hadlaya ka fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. “taa soo socota waa Hodan”. ld taas (1) taas
u [(nax.)]
u²: Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira jiho la aado. Tus. “Halkaa u orod!”; b) qurub la xiriira qofka loo aado. Tus. “Cali baan u tagay”; c)qurub la xiriira qof ama shay daraaddiis wax loo sameeyo. Tus. “Naagta aqal u dhis!”; d)qurub la xiriira habka ama sababta wax loo sameeyo. Tus. “Si wanaagsan u samee!”,“Maxaad u soo iibsatay?”; e) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.
da' [m.dh]
1. ld da'aad. Inta sano, bilo, maalmo
iwm ee nafley jirto laga bilaabo maalintii uu dhashay; cumri. 2. D. ah: qof sanado badan jira; duq. 3. Dad hal casri wada nool. duq, da'aad
kaa [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka labaad ee kelida ah. Tus. “Cali wargeyska ayuu iiga kaa qaatay”.
la [mu.y.ac]
Magacuyaal tilmaamaya in faluhu
uu yahay qof aan la aqoon ama aan la
caddaynin. Tus. “Waa la yiri”.
haaco [m.l]
Qof aad u garaad yar; qof macangag
ah.
q [m.dh]
(qa') Xarafka lix iyo tobnaad ee alifka
soomaaliga oo shibbane ah.