Site icon Qaamuus

jawaabta

qolqol
(m.l) (-llo, m.dh)

1. Maro lagu kala qoqobo aqal gudahiisa; daah. 2. Aqal la kala qoqobay intiisa qarsoon. 3. Maqaar weyn oo tolan oo hilibka iwm lagu qaato; xashin. 4. Dillaacinta nirgo naaska hooyadood laga goynayo carrabka laga dillaaciyo. 5. Oodda sarsarka kore iyo xerada xoolaha meel u dhexeysa oo awrtu fariisato.

qolqol
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-olay, -oshay)

1. Aqal kala qoqobid. 2. Nirig carrab ka jeexid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qolqol

haniye-seddex-faraale [m.l]
(c.nafl.) Gufka u dhexeeya qolqolka sare ee midig iyo qolqolka hoose ee midig, wuxuu leeyahay saddex farood oo u sii daaya dhiigga ka yimaada qolqolka sare in uu ku shubmo qolqolka hoose, wuxuuna celiya in dhiigu kor u soo noqdo.

qolqolan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Nirig naaska laga goynayo wax carrabka laga dalooliyay ahaansho.

qolqolid [m.f.dh]
eeg qolqol².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version