qoolaab
(m.l)1. Qallooc; nadooc; qolxo. 2. Agaasin loo sameeyo dab shididdiis. ld qoolaaw¹.
qoolaab
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)1. Wax qalloocin. 2. Dab shididdii agaasimid. ld qolaab, qoolaaw².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qoolaab ↴
cag-qoolaaban [m.dh]
(daaw.) Qaabdarro cageed oo lagu dhasho saameyn kartana hal cag ama labada cagoodba taasoo qofka qaba uusan cagta cad wada dhig karin dhulka. Nooca ugu badan (Talipes Equinovaris) lugtu waxay u godontahay hoos waxayna u qalloocantahay gudaha sidaas darteed qofka qaba wuxuu u socdaa girgirka dibadda xiga ee dusha cagta.
qafil [m.l] (-llo, m.dh)
1. Shey bir ka samaysan oo gacan yar oo qoolaaban iyo duleel yar oo uu furaha galo leh, oo faseexadda albaabka, sanduuqa iwm lagu xiro. 2. ld qafilid. 3. quful ¹, qunful¹.
qolaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
ld qoolaab².
qoolaaban [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bmay, -bantay)
1. Bir iwm wax qaroofmay noqosho. 2. Dab wax la agaasimay noqosho.
qoolaaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
1. Bir iwm wax la qaroofay ahaansho. 2. Dab wax la agaasimay ahaansho.
qoolaabasho [m.f.dh]
eeg qoolaabo.
qoolaabid [m.f.dh]
1. eeg qoolaab². 2. eeg qoolaaw².
qoolaabmid [m.f.dh]
eeg qoolaaban¹.