Site icon Qaamuus

jawaabta

qoolan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-lmay, -lantay; -lmi)

Xarig wax la qoolay noqosho.

qoolan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-lnaa, -lnayd)

1. Xarig wax la qoolay ahaansho. 2. U q.: qof, wax dhacay ama dhici doona dhibaatada ka timaada ka masuul ah ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qoolan

aqoolan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Wax la aqoolay ahaansho.

biirqoolan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Qof la biirqoolay ahaansho.

qoolmid [m.f.dh]
eeg qoolan¹.

qoolnaan [m.f.dh]
eeg qoolan². ld qoolnaansho.

shirqoolan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lmay, -lantay, -lmi)
Wax shirqool galay noqosho.

shirqoolan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Wax la shirqoolay ahaansho.

qool [m.l] (-lal, m.l)
1. Suun ama xarig siriq leh oo maqasha iwm surka lagaga xiro. 2. Ul weyn. 3. Kuul. 4. Summad wareeg ah oo xoolaha luqunta looga dhigo. 5. Diillin cad oo neef ido ah kurka uga taal.

qool [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-oolay, -ooshay)
1. Suun ama xarig siriq u samayn. 2. Cid khayaameyn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version