qoqobid
(m.f.dh)eeg qoqob².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qoqobid ↴
gantoob [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Aqal, derin, maro iwm ku kala qoqobid. ld gandoob.
qolqol [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-olay, -oshay)
1. Aqal kala qoqobid. 2. Nirig carrab ka jeexid.
qoqob [m.l] (-byo, m.dh)
1. (xis.) Qayb ka mid ah xarriiq ama xood oo u dhexeeya laba barood oo ku yaalla xarriiqda ama xoodka. 2. (xis.) Gobol u dhexeeya boqonka goobo iyo qaansada ku aaddan ee gooya boqonka. Tusaale ahaan, bedka u dhexeeya boqon goobo iyo qaansada ku aaddan waa qoqobka goobada.
qoqob [m.l] (-bo, m.dh)
1. Dhis, raro, ood iwm oo lagu kala qaybsho guri, xero iwm. 2. Dhul yar oo hareeraha ka xaydaaman. 3. Karantiil.
qoqob [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Xero ama aqal gudahiisa dhis ku kala goyn. 2. Nafley karantiilid.