qor
(m.l)1. Wax la qaybsanayo qeybta uu qof waliba xaq u leeyahay in uu helo. 2. Inta dheeraadka ah ee laga gooyo weel, ul iwm oo la farsameynayo.
qor
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)1. Xaraf, erey, hadal iwm meel ku astayn. 2. Cid shaqo siin. 3. Geed weel, ul iwm ka samayn.
Qorane*
Waa buugga. Waa agab wax laqu qorto ama ay wax ku qoran yihiin waxaana adeegsada qofka wax baranaya sida ardayda iwm.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Macne Dheeraad ah
Waa buug walba oo wax lagu qorto oo ay bulshadu u adeegsato in ay wax ku qorato.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qor ↴
aad [mu.dhm.y]
Magacuyaal tilmaama qofka labaad ee kelida ah (lala hadlaha ama wax loo qoraha). "Ninka aad la hadashay waa walaalkay". ld aa(2), aydin. aa, aydin.
aadaminnimo [m.dh]
1. (fals.) Isku taxluujin ku xiran danaha aadamiga, anshaxiisa iyo barashadiisa. 2. (fals.) Dhaqanka qorista (qarnigii 14aad ilaa iyo kii 16aad ee ku saleysan barashada Giriigga iyo Roomaaniyiintii hore).
aag [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Dhul ballaaran oo meel la yaqaano ku fadhiyo. Tus. “Aagga Ceelbuur waxaa laga helaa dhagax jilicsan oo urjikooyinka
laga qoro”.
daab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado, qori ama bir la qabsado ku rakibid.
daabac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -bici)
1. Xarar ku qurxin dhar iyadoo la adeegsanayo dun midabyo leh ama rinjii. 2. Qoraallo madbacadayn.
daabacaad [m.dh]
daabacaad m.dh 1. Gelinta qoraal madbacad la geliyo.
2. Qoraal inta hal mar la daabaco. ld daabicid. daabicid
daabacan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-cnaa, -cnayd)
1. Maro, wax dabac lagu qurxiyay ahaansho. 2. Qoraal, wax la madbacadeeyay ahaansho.
jaabajaabo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Qoryo yaryar oo laysu soo uruuriyey. 2. Xoolo iyo dad tiro iyo tayaba liita.
jaabo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Qoryo qallalan oo dabka lagu
shido; xaabo; qoryo. 2. Alaab aan qiimo
lahayn. ld jaabajaabo. jaabajaabo, qoryo, xaabo
aameel [m.l] (-llo, m.dh)
1. Weel qori ka samaysan oo aan dabool lahayn oo lo'da iyo geela lagu maalo; haruub; doobi. 2. Wixii waxay arkaan iska raacaan. haruub, doobi
q [m.dh]
(qa') Xarafka lix iyo tobnaad ee alifka
soomaaliga oo shibbane ah.