Site icon Qaamuus

jawaabta

qoyan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

Wax qoyaan gaaray ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qoyan

laabqoyan [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Qoray iwm oo aan si fiican u engegin ee lidda ka qoyan.

laabqoyan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qori iwm wax aan si fiican u engegin ahaansho.

laabqoyanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg laabqoyan². ld laabqoyanaansho.

laabqoyanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld laabqoyanaan.

laandhici [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ugaar dabin loo dhigayo geed qoyan u dhigid.

xab [m.l]
(c.nafl.) Walax qoyan oo jiidma oo laga soo daayo xuubka malaaska. Xabku a) wuxu daafacaa xuubka; b) wuxu sahlaa socodka wixii dul maraya xuubka oo wuxuu ka dhowraa xoqniinka; c) wuxuuna qaadaa ensaymyada.

baraf-dhagax [m.l] (-xyo, m.dh)
(c.cimi.) Kubbado yaryar oo baraf adag ah, dhexroorkooduna uu gaarayo 5 mm. iyo in ka badan, kuwaas oo ka dhaca daruuraha kumuulonimbaska, badanaa waxaa la socda duufaan wadata roob culus oo onkod iyo hillaac leh. Dhagax barafyadu waxay leeyihiin qaabab kala duwan oo xajmigoodu uu gaarayo in door ah; dhagax barafyada keli kelida ah waxaa lagu yaqaannaa in miisaankoodu uu gaaro hal kg iyo ka badan. Samaysankooda waxaa u sabab ah hawo qoyan oo si dhaqso leh kor ugu kacda; dhibcaha biyaha ah way barafoobayaan.

biyo-fadhis [m.l] (-syo, m.dh)
(juqr.) Jiid dhul jilcan oo qoyan, badanaa waa godantahay, mararka qaarkoodna dhammaanteed ama qayb ka mid ah ayaa biyaha ka hooseeysa.

bulan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lmay, -lantay; -lmi)
Ul qoyan, maro iwm bul yeelasho; sii gurmid.

dabaylee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Wax qoyan si uu u qallalo dabayl u dhigid.

qoy [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-yay, -yday)
Wax qoyaan gaarsiin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version