qulaan
(m.l) (-aammo/-nno, m.dh)1. Weel naas ama ib leh oo dadka aan wax cabbi karin wax lagu cabsiiyo. 2. Warqadaha turubka mid ka mid ah oo wiil ku sawiranyahay oo u dhexeeya raanida iyo tobonlaha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qulaan ↴
cur [m.l]
1. Carjawda qulaanqulshaha hunguriga cad oo ku taal cunaha ragga oo xagga dibadda u soo taagan; halcun. 2. Qoorta hor ee dhuuban o weelasha qaarkood leeyihiin; sida: dhalada, ubbada iwm.
qulaanqulshe [m.l]
(c.nafl.) Qaybta hore ee hunguri cadka afar addinleyda lafdhabarta leh, halkaasi oo berribiyoodka, xammaaratada, iyo naasleydu ay ku leeyihiin anduuqyada codka. ld qulaanqulye.
qulaanqulye [m.l]
Muruq iyo carjaw isku dhafan oo hunguri cadka korkiisa ku yaal. ld qulaanqulshe.
sanduuqa codka [m.l] (-qyo ..., m.dh)
(baay.) Lammaane xuub liilsami kara ah oo ka soo taagan qulaanqushaha lafdhabarleyda qaarkeed. Codka waxa la soo saaraa marka hawada maraysa qulaanqushaha ay dhaqdhaqaaqijso sanduuqa codka. Dha-waaqa codka la soo saaraa waxa uu ku xidhan yahay giigsanaanta sanduuqa codka, kaasi oo ay xukumaan muruqyada iyo carjawda qulaanqushuhu.