rakcad
(m.dh) (-do, m.l)(dii.) Dhaqdhaqaaq salaadeed oo ka kooban, taagnaan ay ku xigto hal rakuuc, kor u toosid iyo laba sujuudood. ld ragcad, rakacad.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rakcad ↴
qasri [m.l]
1. Tirada rakcadaha salaadda oo la soo gaabsho marka safar dheer iwm lagu jiro. 2. (-iyo, m.dh) Daar weyn dhul ballaaran ku fadhida oo qaab quruxsan u dhisan. ld qasir.
ragcad [m.dh]
1. (dii.) (ruguuc, m.dh) Gabal yar oo taayar, maro iwm oo la karayo la nooc ah oo meesha daloosha ama dillacsan lagu dhejiyo; karin. 2. (-do, m.l) ld rakcad.
rakacad [m.dh]
ld rakcad.
watar [m.l]
Salaad sunne ah, habeenkii la tukado oo rakcadaheedu tiro kisi ah yihiin. ld witir.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg