Site icon Qaamuus

jawaabta

rasuul
(m.l)

(rusuul, m.dh) (dii.) Nabi Ilaahay ku amray inuu cid kale gaarsiiyo waxyi loo soo dhiibay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rasuul

xaddiis [m.l]
(axaadiis/-syo, m.dh) (dii.) Falalkii ama hadalladii Rasuulka (n.k.h.a.) laga guuriyey.

xaddiisqudsi [m.l] (-iyo, m.dh)
(dii.) War Rasuulka (n.k.h.a.) loo waxyooday oo aan Quraanka ka mid ahayn.

abbaay abbaay [m.dh]
Digri haweenka u gaar ah oo la sameeyo marka haweeney ay kuraysanayso ama markii caado ahaan loo xusayo abbaay Faaduumo oo lagu wado gabadhii Rasuulka (n.k.h.a.).

mawliid [m.l]
1. (dii.) Maalinta uu dhashay Rasuulku (n.k.h.a.). 2. (dii.) Xuska loo sameeyo dhalashada Rasuulka(n.k.h.a.). 3. (dii.) Bishii uu dhashay Rasuulku (n.k.h.a.). ld mowliid, mowluud.

rasuulnimo [m.dh]
Rasuul ahaansho.

shariif [m.l] (-fyo, m.dh)
1. Qof ka soo jeeda faracii Faadumo Rasuul. 2. Qof suubban oo asluub wanaagsan.

siti [m.dh]
Magac loo yaqaan Faadumo Rasuul.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version