Site icon Qaamuus

jawaabta

rimman
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

Nafley dheddig wax rimay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rimman

cari [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Qof ama xayawaan ka caraysiin. 2. (f.mg) Neef rimman candho keenid.

dhal [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-alay, -ashay)
1. (f.g) Nafley rimman ubad dihasho. 2. (f.g) Geed miro iwm yeelasho. 3. (f.g) Caano la lulay subag yeelasho. 4. (f.mg) Ilmo if imaan. Tus. “Wiil baa dhashay”.

goobali [m.l]
Dheddig curad ah oo aan rimmanayn.

goojo [m.dh]
Kor u qaaddidda saynta uu kor u qaado dheddig geel oo rimman. ld goojin.

gor [m.l]
Dambar horaadka neefka rimman candhadiisa ku soo dhaca inta uusan dhalin ka hor.

gori [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Neef rimman gor keenid.

rimmanaan [m.f.dh]
eeg rimman. ld rimma-naansho.

rimmanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld rimmanaan.

rimmay [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
Geela ama xoolaha inta rimman. ld rimmayo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version