rubi
(m.l.t)Wax afar meelood oo is le'eg loo qaybshay meeshood; rubuc; waax. Tus. “Waa sagaalkii iyo r.”; “R. kiilo bariis ah”. ld rubac, rubuc.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rubi ↴
waax [m.dh] (-xyo, m.dh)
1. Wax afar meelood oo is le'eg loo qaybiyey meeshood; rubuc, rubi. Tus. “Hasha la qaley waax iga sii”. 2. Qaybaha waaweyn ee kala duwan ee hay'ad maamul u qaybsantahay middood.
beestayn [m.l] (-nno, m.dh)
Lacag bir ah oo ka mid ah sarifka rubiyadda oo u dhiganta hal santi, dhuruuruq. ld beesteen.
bilirubiin [m.l]
(daaw.) Walaxyo midabeysan oo ka yimid jajabinta heemogolobiinta dhiigga oo xameetida la socda. Labada ugu muhiimsan waxa weeyaan biilirubiin oo midab hurdi ah leh iyo biiliferdin oo midab cagaar ah leh.
biraha-alkaali [m.l]
(kiim.) Curiyayaasha ururka 1aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay dhammaantood ku leeyihiin hal elektaroon heertamarkooda ugu sarreeya. Waxay sameeyaan ayoonno togan oo xaaladdooda ogsidhayntu tahay I. Ogsaydhadoodu waxay ku milmaan biyaha si ay u sameeyaan alkaaliyo. Biraha alkali waa litiyam (li), soodiyam (Na), botaasiyam (K), rubiidiyam (Rb), susiyam (Cs) iyo faransiyam (Fr).
caanteyn [m.l]
Lacag ka mid ah sarrifka rubiyada oo qiimaheedu u dhigmo labaatan senti. ld caanateyn.
ribisaar [m.l]
ld rubisaar¹.
ribisaar [Fal Labagudbe1 | Verb Bitransitive1] (-ray, -rtay)
ld rubisaar².
ribisaarid [m.dh]
ld rubisaarid.
rubisaar [m.l]
Faa'iidada la dul saarto lacag la is amaahiyey; dulsaar; korsaar; dheef. ld ribisaar¹.