Site icon Qaamuus

jawaabta

rud
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-day, -dday)

Nafley hal mar ilkaha cunto ku goosasho. ld rudh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rud

garuddambays [m.l]
ld guruddambay.

guruddambays [m.l] (-syo, m.dh)
Wiil ama gabar hooyo ku dhalmaddeysay oo wax ay dhasho ugu dambaysa. ld garuddambays.

horudhalow [m.l] (-wyo, m.dh)
Fool beenaad xoolaha qabata oo calaamadihii foosha leh.

horudhigid [m.dh]
Saacad iwm hore gayn.

hurud [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rday, -rudday; -rdi)
Hurdo dhex gelid.

murud [m.l]
Caano, subag, malab iwm inta ku dhegta gidaarka ama salka weel. ld murug² (2), mudur.

murudsad [m.l]
ld murudsasho.

murudsasho [m.f.dh]
eeg murudso. ld mudursad, mudursasho, mudursi, murudsad, murugsad, murudsato.

murudsato [m.dh]
Farta gacanta oo suulka iyo fardhexada u dhexeysa. ld murugsato.

murudso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Subag, caano, malab iwm oo weel ku haray far ku leefid. ld mudurso, murugso.

r [m.dh]
(ra') Xarafka toban iyo toddobaad ee xuruufta af soomaaliga, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version