sahay
(m.dh)Cunto loo qaato in lagu jidma-ro; jiscin.
sahay
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-yay, -yday)Cunto jidmar ahaan cid u siin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sahay ↴
saad [m.l]
1. Geed weyn oo looxaan adag leh oo wax lagu dhisto, alaab qurux badanna laga samaysto. 2. Cunto safarka loo qaato; sahay. 3. Xarun ciidamada looga maamulo huga iyo raashinka. ld saaj.
beridhaxmo [m.dh]
1. Sahay ku filan hal beri oo safar ah. 2. ld beridhax.
jiscin [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. ld jicsin. Cuntada loo qaato safar ama socdaal; Sahay. 2. (-mo, m.dh) Xargaha wadaanta siddada looga dhigo midkood.
korsaar [m.l]
1. Sahay yar oo awrta rarkeeda dheeraad ku ah. 2. Raar aqalka miyiga dhalada laga saaro; dhalo-saar. 3. K. ah: sidiq.
oroob [m.l]
Socdaal dheer oo herinta meel fog u ugaarsi tageyso, iyadoo awr raranaysa sahayna qaadanaysa, oo maqnaanaysa bil ama laba.
oroob [m.dh]
Socdaal dheer oo ay dumarku meel fog ugu caws doontaan iyagoo badan, qaatana awr iyo sahay, kuna qaadata muddo aan ka yareyn bil.
sahayasho [m.dh]
ld sahaysasho.
sahayid [m.f.dh]
eeg sahay².
sah [m.l] (-ho, m.dh)
Hadba xaalka markaas lagu sugan yahay.