sal
(m.l) (-lal, m.l)1. Jirrid, gun. 2. Marka la fadhiyo meesha dhulka la dhigo, bari.
sal
(m.l) (-lal, m.l)1. (nax.) Qaybta ereyga ee aan laga sii yarayn karin, kaddib marka laga gooyo dibkabayaasha, dhammaadyada iwm waa qaybta xambaaarsan micnaha aasaasiga ah ee ereyga (tus.: cun, fur, bar). 2. (xis.) Dhinaca hoose ee shaxan sallax ah ama wejiga hoose ee shaxan adke ah.
sal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-alay, -ashay)1. Hilib saafid. 2. Biyo ku oon beelid. ld sol.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sal ↴
aadaan [m.l]
1. Ogeysiin cod dheer leh oo mu'addinku ugu yeero muslimiinta waqtiyada salaadda.
2. Ci' dheer oo neef riyo ahi uu sameeyo marka uu xanuunsado. ld aadaamid, aaddan¹, eedaan¹. aadaamid, aaddan, eedaan
aadaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay)
1. Cod dheer ugu yeerid muslimiinta waqtiyada salaadda.
2. Kor u qaylin neef riyo ah xanuun dartiis. ld aaddan², eedaan². aaddan, eedaan
aadaminnimo [m.dh]
1. (fals.) Isku taxluujin ku xiran danaha aadamiga, anshaxiisa iyo barashadiisa. 2. (fals.) Dhaqanka qorista (qarnigii 14aad ilaa iyo kii 16aad ee ku saleysan barashada Giriigga iyo Roomaaniyiintii hore).
aadimo [m.l]
1. (fiis.) Cabbir xariiqeedka laga
qaaday walax adke ah sida dhererka (l),
ballaca (b) ama joogga (h). 2. (fiis.)
“Addimaha Xaddiyada Fisikaad” waa habka
xaddiyada fisikaad looga soo dhirindhiriyo
xaddi saleedyada oo la saaro jibbaaro
habboon.
ibagujee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-jeeyay, -jeysay)
Hal irmaan si ay u godlato naasaha si tartiib ah uga salaaxid.
ibagujo [m.dh]
Salaaxidda neef geel ah oo irmaan naasaha laga salaaxo si uu u godlado.
ubbo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Weel badanaa argeeg ka samaysan oo sal ballaaran iyo qoor dhuuban oo weesada lagu shubto. 2. Quluc. Quluc
qaab [m.l] (-bab, m.l)
1. Hannaanka wax leeyahay. 2. Hab. 3. Caano garoor ah.
4. Caano yar oo garoor ah oo caanaha
dhayda ah lagu daro si ay durba garoor u noqdaan; salsal; khamiir. hab
xaadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax la qoray, ganka iyo xaadda ka xiirid, ka gurid; tifaftirid; salaaxid. tifaftirid, salaaxid
haadi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Badar la tumay buunshe ka saarid. 2. Haad cayrin. 3. Diyaarad kicin. 4. Gacan h.: gacan ruxid oo salaan ama baaq looga golleyahay. ld haati. haati
s [m.dh]
(sa') Xarafka siddeed iyo tobnaad ee
alifka soomaaliga, waana shibbane.