Site icon Qaamuus

jawaabta

salaan
(m.dh)

1. Ereyo laysu jeediyo ama gacanta oo si gaar ah laysugu taago marka laysu yimaad ama la kala tegayo, iyadoo laysu muujinayo kalgacal. 2. Bartanka wejiga fardaha, lo'da iwm.

salaan
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-aamay, -aantay; -aami)

Cid salaan u jeedin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh salaan

haadi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Badar la tumay buunshe ka saarid. 2. Haad cayrin. 3. Diyaarad kicin. 4. Gacan h.: gacan ruxid oo salaan ama baaq looga golleyahay. ld haati. haati

bariidi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid, subax bariido ugu tegid. 2. Cid, salaan ugu tegid.

bariido [m.dh]
1. Casho baartay oo maalintii xigtay gaartay. 2. Salaanta kolka waagu beryo. 3. Hanti laga bixiyo gabar guur laga doonayo oo la siiyo soddohda. 4. ld bariidin.

gacanhaadi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. U g.: cid gacan u lulid ayadoo salaan loola jeedo. 2. U g.: cid gacan u lulid iyadoo la wacayo.

gacanqaad [m.l]
1. Dagaal yar oo gacan la adeegsanayo. 2. Salaan kalgacaltooyo. 3. Siin; waxbixin. 4. ld gacanqaadid.

salaamid [m.f.dh]
eeg salaan².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version