saldhig
(m.l) (-gyo, m.dh)1. Aasaas. 2. Meel ciidan xarun u ah. 3. Rug ciidan ay ku leeyihiin dal aan kooda ahayn. 4. Maamul booliis oo heer degmo ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saldhig ↴
qaacido [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Saldhig xoog leh oo militari. 2. Xeer kooban oo maaddo cilmi ahi ay leedahay.
raadiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. Qalab elek-taroon ah oo wararka dira lagana baahiyo. 2. Saldhigga wararka laga diro. ld raadi-yow.
asaasi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
A. ah: wax cusub oo bilow ah; wax saldhig ah. ld aasaasi.
borojekshan-sargo'an [m.l] (-no, m.dh)
(juqr.) Nooc khariidad brojekshan ah, taas oo u muuqata sida iyadoo galoobka laga arko fogaansho ma dhawaato ah, sidaas darteed hal galoob-badh ayaa lagu muujiyaa khariidad brojekshan. Fallaaraha ilayska ee borojekshanka samayntiisa saldhig u ah waa barbaro waxayna ku qotomaan sallaxa borojekshanka.
gundhig [m.l]
Wax la biirinayo ama la tarminayo inta ugu horreysa oo laga bilaabo; saldhig; raasamaal.
hiyiwaale [m.l]
1. Kasha waxyaalo saldhig iyo xasilloonaan u diida, ku soo rida; hiyiga waala oo kiciya. 2. ld hirimmaale.
rh faktar [m.l] (-ryo, m.dh)
(baay.) Koox antijin ah oo unugyada cas-cas ee dhiiggu ay ku leeyihiin ama ayan ku lahayn. Wuxuu saldhig u yahay habka qaybta dhiigga ee reesuus.
sees [m.l] (-sas, m.l)
1. Garangar yar oo qodxa ka taagtaagan yihiin oo weylaha gafuurka loo geliyo si aysan lo'da u nuugin. 2. Asaas; saldhig. 3. Nin ka shaqeeya xera-da fardaha.
xarun [m.dh] (-umo, m.l)
1. Caasimad; magaalo madax. 2. Rug; saldhig.