saluug
(m.l)Qawadidda qof wax la siiyey ka qawado.
saluug
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)Qof wax la siiyey ka qawadid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saluug ↴
biyaddiid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Biyo cabi waayid wax uu qoonsaday awgeed (neef). 2. Ka b.: maamul sida loo fulinaayo saluugid.
iimaanyoog [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
I. ah: qof wax kastoo la siiyo saluuga.
masuugsan [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax, wax saluugsan ahaansho. 2. Wax, wax dhaliishan ahaansho.
qamiic [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Ka q.: wax saluugid.
qamiicsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Ka q.: qof wax saluugsan ahaansho.
qawad [m.l]
1. Saluugidda la saluugo wax la isa siiyo. 2. ld qawid. Cudur aan halis ahayn oo maqaarka dadka ku dhaca oo barobaro cadcad leh; cambaarcad.
qawad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Wax saluugid.
qawadsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof wax saluugay ahaansho.
quurso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Qof xaqirid; yasid. 2. Wax saluugid.