Site icon Qaamuus

jawaabta

samafal
(m.l)

Wanaag iyo taageero cid loo sameeyo.

samafal
(m.l)

Qofka u shaqeeya daryeelka beenii-aadamka dartiisa, yareeya waxyeelayntiisa, dib u habeeya sharciyada ku saabsan ciqaabta.

samafal
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-alay, -ashay)

Taageero iyo wanaag cid u samayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh samafal

qaaraan [m.l] (-nno/-ammo, m.dh)
Xoolo dad badan laga uruursho oo qof u baahan la siiyo ama arrin dadweynaha u dan ah lagu fuliyo ama si kale oo samafal ah loo bixiyo.

bil [m.dh] (-lo, m.l)
1. Laba iyo tobanka qaybood ee sanadka middood oo ah sagaal iyo labaatan ama soddon beri. 2. Marka dayaxu aanu dhammays ahayn. 3. Calaamad qaab dayax billow ah u eg oo xoolaha lagu sunto. 4. Bisha cas: urur caalami ah, oo dalal islaanku maalgeliyaan oo u qeybsan daryeelka ama samafalka dadka oo ay astaan u tahay dayax billaw ah oo cas.

macruuf [m.l]
1. Ixsaan; wanaag; samafal. 2. (-fyo/-caariif, m.dh) M. ah: qof aad loo yaqaan, caan. 3. ld macriifo. Xiriir aan saaxiibnimo gaarsiisnayn oo cid ka dhexeysa.

samafale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Qof wax wanaagsan sameeya.

samafalid [m.f.dh]
eeg samafal³.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version