samayn
(m.f.dh)eeg samee. ld samays.
samayn
(m.dh)(kiim.) Macmalid: diyaarinta iskudhisyo kiimikaad iyaga oo laga ambaqaadayo iskudhisyo fudud.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh samayn ↴
saabcaaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Wax qaabka xuubka caarada leh samayn.
laaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
1. Wax aan kala baxsanayn ahaansho. 2. Wax aan weli la samayn ahaansho.
yablas [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
Qaylo badan samayn.
caaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ugaar dabin loo dhigay dhankiisa u eryid iyadoo qaylo iyo sawaxan la samaynayo.
eed [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Fal, arrin iwm samayntooda natiijo xun kala kulmid.
eedso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Fal, arrin iwm samayntooda natiijo xun kala kulmid.
gaaddabbuur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
U g.: guulguul samayn (cid).
gaaggixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Neef godlan wax uu gansado oo caanuhu uga iman waayaan ku samayn.
gaalib [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Faras orod aan dheerayn samayn.
haasow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-saaway,-saawday;-saawi)
La h.: haasaawe samayn.