sambab
(m.l) (-bbo, m.dh)1. (-bbo, m.dh) Xubinta jirka ka mid ah oo neefta gesho kana soo baxdo. 2. Cudur xun oo sambabada ku dhaca (xoolaha). ld sanbab.
sambab
(m.l) (-bbo, m.dh)(c.nafl.) Xubimta neefsashada ee lafdhabarleyda hawada ku neefsata. Lammaane sambab ah ayey ku leeyihiin saabka qafiska feedhaha dhexdooda. Mid kasta waxa uu ka kooban-yahay xuub yar oo qoyan kaas oo u laa-laaban si uu u kordhiyo bedka dusha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sambab ↴
saab [m.l] (-bab, m.l)
1. Qalab ka samaysan xididdo, maqaar, laamo yaryar oo weelasha qaarkood lagu rido laguna qaado. 2. Oogada qaarkeeda sare, inta ka samay-san isku qoofalka feeraha, lafdhabarta iyo lafsakaarta oo wadnaha iyo sambabbadu ku dhex jiraan. 3. Taliye. taliye
gaade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
1. Col yar oo hubaysan oo isu raaca in ay wax dilaan; dooxato. 2. Xanuun sambabada wareema.
organ [m.l] (-no, m.dh)
(c.nafl.) Qayb ka mid ah jidhka noolaha oo u khaas ah, inay qabato hal shaqo ama in ka badan. Tusaale, xayawaanka: dhegaha, indhaha, sambabada iyo kelyaha. Tusaale, dhirta: caleemaha, xididdada iyo ubaxa. Organku wuxuu ka koobanyahay nudo badan oo kala duwan.
qaarjeex [m.l]
Cudur sambabada caaliriya oo leh xummad iyo qunfac daran; oofwareen.
qaaxo [m.dh]
1. Dhiska ka samaysan feeraha iyo lafdhabarta iyo waxa ku guda jira (oogada nafleyda); saab, saabley. 2. Cudur xun oo lays qaadsiiyo oo ku dhaca sida badan sambabada; feero sanbab.
urug [m.dh]
Cudur dadka, xoolaha iyo shimbiraha ku dhaca oo sambabada waxyeeleeya oo xummad badan iyo qufac leh; qaaxo; feero.
alfiyoole [m.l] (-layaalyo, m.l/dh)
(c.nafl.) Kiish yar oo ka samaysan xuub khafiif ah, oo ay ku daboolanyihiin tintaafyo wada shaqaynaya oo ku yaalla dhammaadka faracyaraha hunguriga oo neefsashada sambabadu ka dhacdo dushiisa. Sambabku waxa uu leeyahay alfiyoole fara badan. Alfiyoolayaasha ku jira sambabka aadanaha waxa bedkiisa lagu qiyaasay inuu yahay 100 mm.
dalqo [m.dh]
(c.nafl.) Xubinta codku ka sameysmo, hawadana sambabada ayay ku duwda, waxay ku taal hunguriga cad dushiisa, waxay ka sameysantahay sagaal carjowood oo ay isu hayaan seedo iyo muruqyo xuub gaduudan ayaa ku dadan, waxa ku dhexyaal laba joog o xargaha codka ah oo sameeya codka. ld dalqe.
darato [m.dh]
Cudur halis ah sambabada idaha ku dhaca oo diif iyo qufac badan leh.
dhugato [m.dh]
Cudur geela sambabbada kaga dhaca oo qufac badan leh. ld dhug (4), dhugmo (3).