saxaro
(m.dh)Cuntada dadku cuno inteeda oogadu nacdo oo ka soo baxda futada; xaar.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saxaro ↴
udo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Saxaro. 2. Cudur geela dhabxanagga kaga dhaca. saxaro
daacuun [m.l] (daaw.)
Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada “vibrio cholerae”. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas.
kaahin-birlabdanabeed [m.dh]
(fiis.) Hirar tamareedka ka dhasha saxaro danabaysan iyo badada danab iyo badada birlabta ee la xiriira. Hirarka kaah birlabdanabeedku uma baahdaan dululaati ay ku dhex baahaan.
xaari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Ilmo si uu u saxaroodo majasaarid. 2. Cariish dhiriq marin.
caloolbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
Nafley saxaro badan oo jilicsan dhigid.
cilaaq [m.dh]
1. ld ilaaq. Hadal aan milgo lahayn oo iska muran ah. 2. Saxaro.
cilaaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. ld ilaaq 2. Muran maag iyo hagag leh cid u jeedin. 2. Saxaro dhigid.
dabo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Xubin dhuuban, dheer, laalaadda oo lafdhabarta ku dhammaato. 2. Meesha ay nafleyda ka saxarooto; futo. 3. Sal. 4. Gadaal. 5. Dabadeed: kaddib.
darab [m.l]
1. Dhaqidda la dhaqo meelaha kaadida iyo saxaradu soo maraan; istanyo. 2. (-yo, m.dh) Cabir dhulka beeraha lagu cabiro (oo afar jibaal ah) oo le'eg 25 mitir. 3. Saxaro. 4. In yar oo biyo ah oo lagu istinjoon karo. 5. Dun, aleel, kuul iwm oo weelka lagu qurxiyo. 6. Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursaday oo hooyadeed la siiyo.
dhud [m.dh]
(fiis.) Fallaadho ileys oo u socda si urursan. Waxa ay ka koobnaan kartaa saxaro (sida, dhud elektaroon) ama kaahin birlab danabeed (sida, hud raadar).