saxaroo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-ooday, -ootay)Saxaro dhigid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saxaroo ↴
xaari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Ilmo si uu u saxaroodo majasaarid. 2. Cariish dhiriq marin.
dabo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Xubin dhuuban, dheer, laalaadda oo lafdhabarta ku dhammaato. 2. Meesha ay nafleyda ka saxarooto; futo. 3. Sal. 4. Gadaal. 5. Dabadeed: kaddib.
hiilley [m.dh]
Meesha ay sagaaradu si joogto ah ugu saxarooto.
kortag [m.l]
Aadidda la aado meel xoogaa durugsan si loogu kaadsho ama saxaroodo. ld kortegid.
manjasaar [m.l]
Qaabka loogu fariisiyo ilmo saxaroonayo ama kaadshaya iyaga oo labada lugood la dul saarayo. ld majasaar¹, mijasaar¹, minjasaar¹.
manjasaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Ilmo saxaroonayo ama kaadshayo lugo saarid. ld majasaar², mijasaar², minjasaar².
maroor [m.l]
Meesha nafleydu ka saxarooto.
musqul [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-lo, m.dh)
Dhismo yar oo gudihiisa uu ku yaal god lagu saxaroodo laguna kaadiyo; suuli. ld muqsul.
saxarood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg saxaroo.
saxar [m.l] (-rro, m.dh)
Cad qori, caws ama wax kale ka soo jabay, aad u yar oo dabayshu qaadi karto; firo.