saxarood
(Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine)eeg saxaroo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saxarood ↴
xaari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Ilmo si uu u saxaroodo majasaarid. 2. Cariish dhiriq marin.
kortag [m.l]
Aadidda la aado meel xoogaa durugsan si loogu kaadsho ama saxaroodo. ld kortegid.
musqul [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-lo, m.dh)
Dhismo yar oo gudihiisa uu ku yaal god lagu saxaroodo laguna kaadiyo; suuli. ld muqsul.
suuli [m.l] (-iyo, m.dh)
Dhisme yar oo ay gudihiisa ku yaaliin godad lagu saxaroodo laguna kaadsho; musqul.
saxaro [m.dh]
Cuntada dadku cuno inteeda oogadu nacdo oo ka soo baxda futada; xaar.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg