Site icon Qaamuus

jawaabta

seeb
(m.l) (-bab, m.l)

Qori dheer oo afka hore u ballaaran oo bedenada iyo huuriyada lagu wado.

seeb
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)

Beden, huuri iwm seeb ku wadid. ld seebi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh seeb

gaafal [m.l] (-llo, m.dh)
Bedenka gudihiisa kuraasi ku rakiban ragga seebinaya ku fadhiistaan.

saafid-tireed [m.dh]
1. (xis.) Barashada habab xisaabin ee leh seebid. 2. (xis.) Barashada tabaha seebidda ee loo isticmaalo aritmatig marka la furfurayo mas'alooyin xisaabeed.

saawee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-weeyay, -waysay)
1. Wax, wax kale u ekaysiin. 2. Beden, huuri iwm seeb ku wadid. ld sawee.

aseeb [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
ld asiib.

aseebe [m.l]
Nooc kalluunka ka mid ah oo jurmi weyn iyo xoog badan.

aseebid [m.dh]
ld asiibid.

baay [m.dh]
(xis.) Saamiga uu meeriska goobo kasta la sameeyo dhexroorka goobada. Seebid ahaan waxay le'egtahay, 3.14159. waa tiro ka sarreysa garashada qiimaheeda dhabta ah lama qori karo haseyeeshee waa la cabbiri karaa ilaa heer saxnimo.

muqdaaf [m.l] (-fyo, m.dh)
Loox dacal ballaaran oo lagu seebiyo huuriga iyo bedenka. ld miqdaaf.

muqdaafi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Huuri muqdaaf ku seebin. ld miqdaafi.

se [Xiriiriye | Conjunction]
Erey kala xiriir fura laba tixood, wuxuuna gadaal uga nudmi karaa xiriiriyaal kale sida “amase”, “laakiinse”, iwm. Tus. “Adigu bax aniguse waan joogayaa”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version