seef
(m.dh) (-fo, m.l)Qalab lagu dagaallamo, gadaal daab la qabsado ku leh oo ka samaysan bir xalleefsan, dhuuban, dheer, toosan ama qalloocan, leh caarad wax mudda iyo af wax gooya.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh seef ↴
bah-cadceed [m.dh] (-ho ..., m.l)
(c.fal) Koox walax cireeddo ah oo ka kooban qorraxda, meereyaasha, oo ku dul meeraysta, meereyareyaasha (plannetoid or asteroid), seefta cirka, shuhuubaha, cirka-soo-dhacaha iyo dayax gacmeeddada ku meeraysta meerayaasha, sida dayuxu dhulka ugu meeraysto.
daliiq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Caw, maqaar iwm kala jeexid. 2. Ka d.: qof dhar, darajo iwm si sharaf darro ah uga qaadid. 3. Ka d.: mindi, seef iwm galka ka saarid.
duudseef [m.l]
Rati aan kurus lahayn.
gal [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-lal, m.l)
1. Nuur dayaxa isku wareejiya. 2. Buqshad. 3. Shay wax lagu xafido (sida seef, billaawe iwm).
qadduun [m.dh] (-uumo, m.l)
1. Shey duug ah oo aad u da'weyn oo waayihii hore lagu dhaqmi jirey. 2. Meel qof ama dad ku duuganyihiin; qabri. 3. Seef godan oo daab qori ah leh.
seef-bacaad [m.l]
(jool.) Nooc ka mid ah bataax bacaad, oo badanaa laga helo saxaaraha, taasoo ka kooban lafo dhaa-dheer oo af leh oo barbarro la ah dhinaca dabayshu ka soo dhacayso. Dhammaad-kana waxa kordha dhererka bacaadka, markaasoo dabaylaha gudbani ay kordhi-yaan dhererkeeda iyo ballaadhkeeda.
seef-cireed [m.l]
Walxo ku wareega qorraxda, raacana meeris qaabkiisu yahay qabaal. Seef-cireedyada, badankoodu, waxa ay leeyihiin daba dheer oo aad noogu muuqa-ta marka uu qorraxda u soo dhawaado.
seeflabbood [m.l]
1. Karti wax lagu hubsado oo lagu sugo la'aan; kadsiinyo la'aan. 2. S. ah: qof samir daran oo aan wax hubsan.
seeflabboodnimo [m.dh]
Seeflabbood ahaan-sho.
se [Xiriiriye | Conjunction]
Erey kala xiriir fura laba tixood, wuxuuna gadaal uga nudmi karaa xiriiriyaal kale sida “amase”, “laakiinse”, iwm. Tus. “Adigu bax aniguse waan joogayaa”.