Site icon Qaamuus

jawaabta

seen
(m.l)

1. Kabaha la tolay jaanta ugu horraysa ee qofka cagtiisa lagu cabbiro. 2. S. ah: koombo iwm oo waxa ku jiraa afka la siman yihiin.

seen
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-eemay, -eentay; -eemi)

1. Cayaar carruureed qof, wax la taabtay noqosho. 2. Madax, wax timaha laga xiiray noqosho. 3. Dhir laamaheeda la simay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh seen

aseendo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Beer weyn oo geed mirood ku abuuranyahay; awno.

garoon [m.dh]
Neef lo'ama riyo ah oo aan geeso lahayn; seeny.

qurdan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Qof madaxa maluuqday ahaansho. 2. Lo', ari wax seenyoon ahaansho.

seemid [m.f.dh]
eeg seen².

seenlaawe [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-wayaal, m.l/dh)
S. ah: weel waxa ku jiraa afkiisa ayna ka sarreyn.

seenyo [m.dh] (-ooyin, m.)
Neef ari ama lo'ah aan geeso lahayn.

seenyoon [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Ari, wax aan geeso lahayn ahaansho.

seenyoonaan [m.f.dh]
eeg seenyoon. ld seenyoonaansho.

se [Xiriiriye | Conjunction]
Erey kala xiriir fura laba tixood, wuxuuna gadaal uga nudmi karaa xiriiriyaal kale sida “amase”, “laakiinse”, iwm. Tus. “Adigu bax aniguse waan joogayaa”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version