senti
(m.l) (-iyo, m.dh)Lacag sanuud ah midka ugu qiimo yar; dhururuq. ld santi.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh senti ↴
taano [m.dh]
Lacag sarif ah oo shan senti u dhiganta.
adaadi [m.l]
Lacag sanuud ah oo qiimaheedu dhanyahay labaatan senti.
beesad [m.dh] (-do, m.l)
Lacag bir ah oo ka mid ah sarrifka rubbiyadda oo u dhiganta toban senti.
caanad [m.dh] (-ddo, m.dh)
Lacag ka mid ah sarrifka rubbiyada oo qiimaheedu yahay toban senti.
caanteyn [m.l]
Lacag ka mid ah sarrifka rubiyada oo qiimaheedu u dhigmo labaatan senti. ld caanateyn.
dhururuq [m.l] (-qyo, m.dh)
Kumi toban meelood loo qeybiyey mid ka mid ah; senti. ld dhururi.
duud-oogeed [m.l]
(jool.) Oogo dhadhaab shiileed ah, inta badan ufuq ahaan, wuxuu samaysmaa marka magma soo herdiyo laba lakab oo dhadhaab lakabeed dhexdood oo halkaa ku qaboobo kuna adkaado; qaradiidu waxay gaadhi kartaa xoogaa sentimitirro ah ama dhowr boqol mitir, laakiin ufuqiisu inta badan wuu ka weynyahay marka la barbardhigo qaradiisa.
furaley [m.dh] (-yo, m.l)
Sarrifka rubaabka mid ka mid ah oo u dhigma 10 senti.
kuumi [m.l] (-iyo, m.dh)
Lacag sarrif ah oo qiimaheed yahay toban senti. ld kumi.
liitir [m.l] (-rro, m.dh)
Halbeeg lagu cabbiro hooraha una dhigma 1000 senti mitir oo saddex jibbaaran. ld litir.