shaabuug
(m.l) (-gyo, m.dh)Suun dhuuban, dheer, dabo la qabsado leh oo wax lala dhaco; karbaash; jeedal.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shaabuug ↴
jeedal [m.l]
(baay.) Shaabuug qaab dherer yar leh ilaa 150 maykaroon/m. oo laga helo oogaada unugyada qaarkood, gaar ahan unugyada taranka ee socda. Tusaale ahaan isbeermatosowa, bakteeriya iyo qaar ka mid ah borotosowa.
shaabuugayn [m.f.dh]
eeg shaabuugee. ld shaabuugays.
shaabuugays [m.l]
ld shaabuugayn.
shaabuugee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-geeyay, -gaysay)
Wax shaabuug la dhicid.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg