Site icon Qaamuus

jawaabta

shaash
(m.l) (-shash, m.l)

1. Timo dhaadheer oo ka baxa qoorta libaaxa lab iwm. 2. Masar sida badan xariir ah, midabbo badan leh oo dumarku madaxa ku xirtaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shaash

baabbul [m.dh] (-lo, m.l)
1. Dhogor cufan, dheer oo ka baxda qaarka hore ee libaaxa; shaash. 2. Timo jilicsan, dheer oo uu raggu la haro. shaash

bashaash [m.l] (-shyo, m.dh)
B. ah: nin bulshey ah oo had iyo goor weji iyo laab furan.

bashaashad [m.dh] (-do, m.l)
B. ah: qof haween ah, bulshey ah oo had iyo goor weji iyo laab furan.

bashaashnimo [m.dh]
Bashaash ahaansho.

carshaashayn [m.f.dh]
eeg carshaashee. ld carshacarshayn.

carshaashee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-sheeyay, -shaysay)
Hawl qas iyo lab dhex gelin. ld carshacarshee.

carshaasho [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. (ld carshacarshe) Qas iyo lab hawl socoto lagu hakiyo. 2. Timir aan aad u bislaan.

libaax [m.l] (-xyo, m.dh)
(c.nafl.) Bahal hilib ku nool ah, weyn, xoog badan leh, midabkiisuna cawl yahay, oo kiisa lab qaarka hore ku leeyahay shaash oo dadka iyo xoolahaba cuna, kiisa labina (aarka) qaarka hore ayuu ku yeeshaa dhogor dhaadheer oo farabbadan.

qushaash [m.l]
1. Wasakh. 2. Qashqashaad.

qushaash [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-shay, -shtay)
Cid qashqashid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version