shabaag
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)Aaladaha kallunka lagu dabto nooc ka mid ah oo ka samaysan xarko dun ah oo laysku saabcaareeyey oo wada ilo ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shabaag ↴
ballad [m.dh]
Hees hawleed la qaado marka xargaha iyo shabaagta la samaynayo.
daaqi [m.l]
Nooc shabaagta ka mid ah oo lagu dabo libaaxbadeedka yaryar.
dawaaqi [m.dh]
Nooc shabaagta ka mid ah oo libaax badeedka lagu dabo.
ilyar [m.dh]
1. Nooc gambada ka mid ah oo leh ilo badan oo yaryar. 2. Nooc shabaagta lagu jillaabto ka mid ah.
kaawi [m.l]
1. ld kaawiyad. 2. Qoray lagu calaamadeeyo meelaha shabaagta la dhigo.
karaab [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Qoryo yaryar oo xalxallefsan oo shabaagta badda la dhigo lagu xirxiro, si ay u sabbayso oo u muuqato.
milgee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-geeyay, -geysay)
1. Cid xurmeyn. 2. Hadal asluub u yeelid. 3. Shabaag qaab milgo ah u sameyn. 4. Ceel miileyn.
milgeyso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Shabaag milgo ka dhigasho. 2. Ceel miileysasho.
milgo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Ulajeeddo wanaagsan, xurmo, muuno. 2. Shabaag ilo yaryar leh oo kalluunka lagu jillaabto. 3. Kal; miile.