Site icon Qaamuus

jawaabta

shacbi
(m.l)

ld shacab.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shacbi

raaciye [m.l]
1. Dad waddan ku wada nool inta maamulka haysa mooyaane inta kale oo la xukumo; shacbi. 2. Dad inta aan ciidan ahayn; rayid. ld raaciyad. raaciyad, rayid, shacbi

afti [m.dh] (-iyo, m.l)
Arrin ama qaynuun, in la oggolaado ama la diiddo darteed, ay dowladi shacbigeeda u bandhigto.

jamhuuriyad [m.dh] (-do, m.l)
Dal xur ah oo madaxdiisa shacbigu soo doorto.

rayid [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Shacbiweynaha aan askarta ahayn. 2. Shacbiweynaha inta aan dawlad-da u shaqayn. ld rayad.

shacab [m.l]
(shucuub, m.dh) 1. Dadweyne; ummad. 2. Qar badda dhexdeeda ku yaal. ld shacbi, shicib.

shacbiweyne [m.l]
Dadweyne.

shamal [m.l] (-llo, m.dh)
Nooc cayaaraha shacbiga ka mid ah oo jiib, jaan iyo sacab lagu dheelo.

xildhibaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Xubin gole shacbi ka tirsan. 2. Qof xil qaadi kara.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version