shahaad
(m.l)Dadaal badan oo tacab loo galo.
shahaad
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)Hawl qabashadeeda tacab badan u gelid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shahaad ↴
ashahaadasho [m.f.dh]
eeg ashahaado².
ashahaado [m.dh]
Qiritaanka in Ilaah mooye, Ilaah kale uusan jirin, Maxamedna (n.n.k.) nebigii uu soo direy yahay.
ashahaado [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-aatay, -aadatay)
In Ilaah mooye, Ilaah kale uusan jirin, Maxamedna (n.n.k.) nebigii uu soo diray yahay qirid.
doktoor [m.l] (-rro, m.l)
1. Takhtar. 2. Qof shahaado jaamacad laga bixiyo tan ugu sarraysa haysta. ld dotoor.
dokumenti [m.l]
1. Warqad war muhiim ihi ku yaallo sida shahaado, warqad aqoonsi iwm. 2. Raad taariikheed muhiim ah.
shahaadid [m.f.dh]
eeg shahaad².
shahaado [m.dh] (-ooyin, ml.)
1. Qiritaanka la qiro tawxiidka. 2. (-ooyin, m.l) Warqad caddayn ah oo la siiyo qof marxalad waxbarasho dhammaystay. 3. Marqaati.
shahaadosuur [m.l]
Marqaati-beenaale.