shahaado
(m.dh) (-ooyin, ml.)1. Qiritaanka la qiro tawxiidka. 2. (-ooyin, m.l) Warqad caddayn ah oo la siiyo qof marxalad waxbarasho dhammaystay. 3. Marqaati.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shahaado ↴
ashahaado [m.dh]
Qiritaanka in Ilaah mooye, Ilaah kale uusan jirin, Maxamedna (n.n.k.) nebigii uu soo direy yahay.
ashahaado [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-aatay, -aadatay)
In Ilaah mooye, Ilaah kale uusan jirin, Maxamedna (n.n.k.) nebigii uu soo diray yahay qirid.
doktoor [m.l] (-rro, m.l)
1. Takhtar. 2. Qof shahaado jaamacad laga bixiyo tan ugu sarraysa haysta. ld dotoor.
dokumenti [m.l]
1. Warqad war muhiim ihi ku yaallo sida shahaado, warqad aqoonsi iwm. 2. Raad taariikheed muhiim ah.
shahaadosuur [m.l]
Marqaati-beenaale.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg