Site icon Qaamuus

jawaabta

shaki
(m.l)

Dareen qofka ku dhaliya inuu wax xaqiiqdiisa sugiwaayo.

shaki
(Fal Magudbe1/2 | Verb Intransitive1/2) (-iyay, -iday/isay; -iyi)

Wax xaqiiqdooda sugi waayid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shaki

jaahwareer [m.l]
1. Qas iyo shaki maskaxda galay wax lala garan waayo. 2. ld jaahwareerid. jaahwareerid

jaahwareer [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Qas iyo shaki maskaxda galay wax la garan waayid. ld jahawareer². jahawareer

jaahwareeri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid qas iyo shaki gelin. ld jahawareeri. jahawareeri

taakalleel [m.l]
Tallan; wiswis; shaki.

bayaan [m.l]
1. B. ah: muuqaal si wanaagsan u muuqda ama u qeexan. 2. War qeexan oo aan macnihiisa shaki ku jirin; qaraar; baaq.

bushi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid shaki ku beerid. 2. Cid cudur ku ridid.

cad [m.l]
1. Midabka caanaha, nuuradda iwm ee soo celiya ilayska qorraxda. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin.

cad [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-ddaa, -ddayd; -cadcad)
1. Wax cad ahaansho. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin ahaansho. 3. Waa ka caddahay: waa liitaa.

cuqdad [m.dh] (-do, m.l)
(c.naf) Cudur nafsaani ah oo qofka ku beera shaki iyo kalsooniddarro uu ka qabo naftiisa iyo dadka kaleba. ld cuqdi, cuqdo.

danni [m.l]
Dareen shaki iyo hubsiino la'aan abuura.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version