shamiinto
(m.dh)Budo marka lagu qaso ciid, nuurad iwm dhagxanta, bulukeetiyada iwm ee wax lagu dhisayo la iskula qabto.
shamiinto
(m.dh)(jool.) Iskujir budaysan oo ka kooban silikeytyada iyo luumineytyada kaalsiyam, kaas oo ka samaysmay didib (CaCO3) iyo dhoobo la isku kululeeyey ka dibna la ridkay. Marka lagu qaso biyaha, waxa dhaca falgallo; kuwaas oo sameeya adke adag oo alluumiinno silikeyt ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shamiinto ↴
haan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Weel aagaanka ka weyn, saab iyo haruub leh oo biyaha iyo caanaha lagu shubto. 2. Weel weyn oo bir ama shamiinto ka samaysan oo biyaha iyo shidaalka lagu kaydsado.
dar [m.l] (-rar, m.l)
1. Weel ka sameysan bir, qori, harag oo xoolaha biyo loogu shubo. 2. Dhisme dhagax iyo shamiinto ka samaysan oo xoolaha biyo loogu shubo. 3. In xoolo ah oo isku mar ka wada cabta. 4. D. ah: dadkii hore.
gidaar [m.l] (-rro, m.dh)
Dhisme ballac leh, dhagax, shamiinto, iwm ka samaysan, oo wax celiya, ama waxyaabo lagu kala qoqobo; derb.
shamiintee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-teeyay, -taysay)
Wax shamiinto marin.
shub [m.l]
1. Dhis ka samaysan bir, ciid, quruurux iyo shamiinto isku dhafan oo isku qallalay. 2. Cayaar ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed, leh jiib iyo jaan oo ragga iyo dumarku wada dheelan. 3. ld shubid.
shub [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Hoore meel ku geddin. 2. Xoolo waraabin. 3. Lacag bangi dhigid. 4. Quruurux, ciid, shamiinto iwm dhismo ka samayn. 5. Bir iwm dhalaalin.
sibir [m.l]
1. Xabag qaraar oo daawo ahaan loo isticmaalo. 2. Shamiinto. 3. Dhul-dhaca aqalka oo la kebisey.
sibiree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Aqal iwm dhul-dhaciisa shamiinto ku kebisid.