shanle
(m.l) (-layaal, m.l/dh)1. Xaashi turub oo shan dhibcood leh. 2. Buntukh shan xabbadood qaada.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shanle ↴
feer [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Fara duuban wax ku dhufasho. 2. (f.g) Tin iwm shanleyn. 3. (f.g) Wax dalliig u dillaacin. 4. (f.mg) Roob da'ayay joogsasho.
garaddax [m.l]
Nooc xamaaratada ka mid ah oo leh dabo shanle u eg oo dhadhaabaha gasha; dabasaqa.
qurdho [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Iniinaha yaryar ee cudbiga. 2. Timo aad u jilicsan marka la shanleeyo seexda.
saqaf [m.dh] (-fo, m.l)
Qori xalleefsan, ilko leh timaha dhaadheer lagu shanleeyo.
shanlayn [m.f.dh]
eeg shanlee.
shanlee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Timo iwm shanlo ku feerid.
shanley [m.dh] (-yo, m.l)
1. Maro shan waar ah. 2. Gabay gaaban.
tinmood [m.l]
1. Cudur timaha ku dhaca. 2. (u) Marka timaha la shanleeyo tintinta soo go'da.
shan [m.dh]
1. (t) Tirada afarta iyo lixda u dhexeysa; “5”. 2. Xoog; awood. 3. Gacan.