Site icon Qaamuus

jawaabta

shaqad
(m.l) (-do, m.dh)

Sh. leh: ri'midab bar madow iyo bar cad isugu jira leh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shaqad

naafo [m.dh]
Awood la'an kaamil ah ama dhimman uu qof naafo ah u yeelan karo hawlaha xagga bulshada ama xagga shaqada.

uumi saarid [m.dh]
(bot.)Biyo lunka dhirta kaas oo ay ku sii daayaan gibilka. Biyo lunku badanaa wuxuu ka dhacaa caleemaha iyaga oo ka baxaya daloolada istomaataha, kaasi oo shaqadiisa ugu weyni tahay isdhaafsiga neefaha.

xammaali [m.l]
Qof ay shaqadiisu tahay in uu dusha wax ku qaado. ld xamaal¹, xamaali, xammaal¹.

baarbitureyt [m.l] (-tyo, m.dh)
(daaw.) Mid kastoo ka mid ah koox dawooyin ah oo laga sameeyey barbituurig aasidh taaso hoos u dhigta shaqada maskaxda.

barashada unugga [m.dh]
(baay.) Barashada dhismaha iyo shaqada unugyada.

bayoolajiga moolikiyuullada [m.l]
(baay.) Barashada dhismaha iyo shaqada moolikiyuullada waaweyn ee noolaha, gaar ahan borotiinnada iyo asiidh bu'eedyada RNA iyo NA.

bayooloji [m.l]
Barashada noolaha, kaas oo ay ka mid yihiin dhismahooda (gudaha iyo dibadda), shaqadooda, isirkooda iyo tadawurkooda, abla'ablayntooda, xidhiidhka iyaga ka dhexeeyo iyo filiqsanaantooda.

beeryaro [m.l]
(c.daaw.) Xubin ay leeyihiin lafdhabarleydu, oo ku yaalla caloosha dabadeeda, kaas oo asal ahaan ka samaysan nudo limfo oo isu tegey. Shaqadeeda waxa ka mid ah soo saaridda limfosaytyada iyo baabi'inta walxaha qalaad. Waxay u beesad dhaqantaa sidii kaydiye unugyada cascas, waxaana ay joogteysaa wareeggooda tiro ahaaneed.

caayib [m.l] (-byo, m.dh)
Qof caajis ah oo shaqada ka wahsada.

calwasaad [m.l] (-dyo, m.dh)
(daaw.) Xaalad muddo gaaban ee maskaxda shaqadeedu isku qasanto oo la socoto jirro maskaxda.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version