shaqayn
(m.f.dh)eeg shaqee. ld shaqays.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shaqayn ↴
raad-guri-cagaar [m.l] (-dad, m.l)
(c.cimi.) Muuqaal fallaaraha qorraxeed ee galay gibilka dhulka: gibilku wuxuu u oggolaadaa tamarta qorraxeed ee hirarka gaaban inay gaarto dhulka dushiisa; tamartaasi waxay kululaysaa dusha dhulka, dabadeedna dhulku tamar kulul oo hirarkeedu ay dhaadheeryihiin ayuu gibilka ku sii daayaa, kulaylkaasna gibilka ayaa lagu hayaa gaar ahaan marka cirku caad leeyahay. Sidaas darteed gibilku wuxuu u shaqaynayaa sida qarshada guri cagaar.
waayo-aragnimo [m.dh]
Aqoon ama fikrad la xiriirta shaqo gaar ah taasoo laga helay muddadii dheerayd ee laga shaqaynayay hawshaas.
alfiyoole [m.l] (-layaalyo, m.l/dh)
(c.nafl.) Kiish yar oo ka samaysan xuub khafiif ah, oo ay ku daboolanyihiin tintaafyo wada shaqaynaya oo ku yaalla dhammaadka faracyaraha hunguriga oo neefsashada sambabadu ka dhacdo dushiisa. Sambabku waxa uu leeyahay alfiyoole fara badan. Alfiyoolayaasha ku jira sambabka aadanaha waxa bedkiisa lagu qiyaasay inuu yahay 100 mm.
coof [m.l]
Timo aad u baxay oo aan laga shaqayn.
hawlqaad [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Qof shaqayn awood leh.
hurdo [m.dh]
Xaalad xubnaha jirka nafleydu nasasho ku jiraan, indhaha la isku hayo oo aan garaadka iyo maankuba shaqaynayn.
luggelis [m.l]
1. L. ah: xoogsade aan si joogto ah u shaqayn ee hadba kol shaqeeya. 2. ld luggelin.
mashaqayn [m.f.dh]
eeg mashaqee.
qish [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-shay, -shtay)
Imtixaan si tuugannimo ah uga shaqayn.
rayid [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Shacbiweynaha aan askarta ahayn. 2. Shacbiweynaha inta aan dawlad-da u shaqayn. ld rayad.