sharax
(m.l)1. Macnaynta wax la macneeyo. 2. Qurxinta wax la qurxiyo. 3. Cayaar daf, durbaan, sacab iyo jiib leh oo ragga iyo dumarku wada cayaaraan.
sharax
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-rxay, -raxday; -rxi)Wax fasirid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sharax ↴
faahfaahi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Si buuxda arrin u sharaxid.
aragtida kuwaantam [m.dh] (-iyada ..., m.dh)
(fiis.) Aragti ugu horeyntii u soo saaray Maks Blank (1858-1947) oo sharaxaysa kaaha walax madow, wuxuuna soo bandhigay afeef ah in tamarta birlabdanabeedku ku baxdo kuna qaadanto qaybo joogto ahayn oo ku dhufsanayaal abyoon ah. Tusaale ahaan, tamartu waxa ay u baxdaa baakidho yar yar oo isdabajoog ah. Rakaad kasta oo birlabdanabeed waxa la xiriira baakidho yaryar oo tamar ah, ma jirto tamar la helo oo ka yar baakidhadan, kuwaas oo loo yaqaano kuwaantaam ama footoon.
gaxarbe [m.l]
1. Dacool midab sharax-sharax ah iyo qaabab kala duwan leh oo badda laga helo. 2. Roob badan oo muddo dhac da'a. 3. Dhagax adag, midab gaduudan leh oo loo isticmaala qurxinta dhismayaasha. ld kaxarb.
isku-kaan [m.l] (-nno, m.dh)
(baay.) Marka la sharaxayo noole leh laba aliil oo isku mid ah oo ukumaya muuqal gaar ah shiiqiye iyo shiiqsane midkuu doono ha ahaadee.
isu ekaansho [m.dh]
Isbarbardhig ama isku ekaansho ka dhexeysa laba shay, taaso isaga mid yihiin hal dariiqo. “Isu-ekeyn” waa marka aad is barbardhigtid laba shay, si aad u sharaxdid ama aad u fahamtid waxa ay yihiin.
juqraafi [m.l]
Maaddada sharaxda dhulka dushiisa, muuqalladeeda ay ka mid yihiin kuwa fisikada, cimilada, carrada, maxsuul-lada, ummadaha iwm iyo filiqsanaantooda.
macnee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -naysay)
1. Ulajeeddada erey ama hadal sheegid. 2. Wax sharaxooda sheegid. 3. Is m.: wax muhiin ah iska dhigid (qof).
midab [m.l] (-bbo/-byo, m.dh)
1. Marka fallaaraha ilaysku ku dhacaan walax ee ay ka soo noqdaan, muunadda ay isha tusaan: sida casaan, cagaar iwm. 2. Nooc ka mid ah kalluunka oo yaryar, oo sharaxsharax leh.
nas [m.l]
1. Meesha ugu dhow wax laga nishaabi karo. 2. (dii.) Kitaab, qaanuun iwm oo la qoray hadalkiisa hore oo asalka ah oo ka duwan sharaxa ama waxyaale kale oo gadaal cid kale kaga darto.
shar [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-ro, m.l)
Wax kasta oo samaha ka hor yimaad cawaaqib xumana keena.