Site icon Qaamuus

jawaabta

sharciyee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-yeeyay, -yaysay)

Wax ku dhaqmiddiisa sharci ka dhigid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sharciyee

xad-awoodeed [m.dh] (-dad ..., m.l)
(qaan.) Awood maxkamad sharciyeed ama madax sare oo ku gaara go'aan ama fuliya sharci.

aqoon farsamo [m.dh]
1. (qaan.) Ficil ama xaalad sharciyeesan uu sharcigu oggolaaday ama ansixiyey. 2. Hab aqooneed, ama xeelad wax lagu sameeyo hawl, farsamo, gaar ahaan dhinaca cilmiga ama farsamada.

nootaayo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Xafiis awood loo siiyey in uu u sharciyeeyo dadweynaha waxyaabaha ay kala beddelanayaan ama dhaxalka.

sharciyayn [m.f.dh]
eeg sharciyee. ld sharciyays.

sharciyeed [m.l]
1. (qaan.) Waxaa loo isticmaalaa in lagu sifeeyo waxyaabaha la xiriira sharciga, aqoonta sharciga, ama isticmaalada sharciga. 2. (qaan.) Ficil ama xaalad sharciyeysan uu sharcigu oggolaa-day ama ansixiyey.

shati [m.l] (-iyo, m.dh)
Dukumenti dawladeed oo sharciyeeya ganacsi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version