Site icon Qaamuus

jawaabta

sheegid
(m.f.dh)

eeg sheeg.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sheegid

maadee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-deeyay, -deysay)
(riw.) Hadal ama sheeko lagu qoslo sheegid.

ogeysii [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iiyay, -iisay)
Cid xog u sheegid.

taabo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-btay, -batay)
1. Jir, derbi iwm aayar gacan u saarid. 2. Arrin iwm in yar ka sheegid.

baahi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
U b.: war dad badan u sheegid.

haasaawee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-weeyay, -waysay)
1. Cid sheeko maaweelo leh u sheegid. 2. Nin iyo naag sheeko xodxodasho leh isweydaarsasho. ld haasaawi. haasaawi

icraab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
(nax.) Qaybaha naxwe ee ay weer ka koobantahay sheegid. ld icraabi. icraabi

maahmaah [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-hay, -hday)
Maamaah sheegid ama allifid.

nab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Cid fal ama hadal aanay samayn ama dhihin ku sheegid; masabidid. 2. Is n.: wax hurda iska dhigid. 3. Ku n.: wax meel ku dhejin. 4. Ciid, timo iwm dhejin. 5. ld naab³.

qaad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.

qaaqlee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Hadal aan macno lahayn sheegid.

sheeg [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Xog tabin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version