shido
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-itay, -idatay)1. Nal, raadiye iwm daarasho. 2. Dab iwm hursasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shido ↴
oog [m.dh] (-go, m.l)
1. Subaxnimo. 2. Dab weyn oo sida badan loo shido in la isaga digo colaad. 3. Calaamad cad oo ay lo'da qaarkeed wejiga ku yeelato.
belbel [m.l]
1. Holac weyn oo dabka ka baxo marka la shido. 2. ld belbelid. ld belel¹.
cayaaryaxaas [m.dh]
Ciyaar dab la shido oo ay dheelaan baxaarradu marka ay doonayaan in yaxaasku soo baxo. ld ciyaaryaxaas.
dabshid [m.l]
Dabbaaldeg lagu maamuuso dhammaadka sanad qorraxeedka soomaaliyeed oo ku aaddan toddobaadka u dambeeya bisha Luulyo, laguna xuso ciyaaro kala duwan iyo dab la shido.
deeb [m.dh]
1. Caws weelasha lagu deebiyo, leh caleemo dhuudhuuban, ubax qodxo leh oo ka baxa bannaanada. 2. Dambas dhirta qaarkeed laga shido oo loo isticmaalo waxyaabo kala duwan sida dhayidda xoolaha, magdaynta hargaha iwm. 3. Dambas.
dubaalad [m.dh] (-do, m.l)
Tidic dun ah oo la geliyo feynuusta, matramakiska, fadiisha iwm oo marka la shido iftiin iyo olol bixiso; liifad.
falaxfalax [m.l]
1. Geed quwaax faleenka ka mid ah oo leh beeyo marka la shido udgoon. 2. Beeyada laga guro geedka falaxfalaxa. 3. Qof firfircoon. 4. Qof bilicsan.
hog [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-gag/-go, m.l)
1. Meel hoos u qodan; god. 2. God deb lagu shido oo hilib lagu dubo. 3. God daawo ku jirto oo ariga ama lo'da lagu dhayo.
kowk [m.l]
(jool.) Adke aan cufnayn oo burbura midabkiisuna yahay boor oo ay ku jiraan ilaa 80% kaarboon ahi. Waa hadhaaga la helo marka la samaynayo neefta dhagax-dhuxuleedka. Waxa kale oo laga diyaariyaa dhagax-dhuxuleedka oo lagu shido heerkul hoose.
liifad [m.dh] (-do, m.l)
1. Tidac dun ah, la geliyo feynuusyada gaaska oo marka la shido bixiya iftiin. 2. Bir yar, buntuqa afkiisa hore ku samaysan oo wax lagu shiisho.