shiikh
(m.l) (-khyo, m.dh)1. Nin diinta aad wax uga yaqaan; caalim. 2. Sh. ah: neef ido ah oo wada cad. ld sheekh.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shiikh ↴
carabcad [m.l]
Neef ido ah oo wada cad; shiikh.
daraawiish [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Urur wadaaddood (dariiqo) oo shiikh u taliyo, nabaddiyo colaaddaba. 2. Qayb ka mid ah Ciidanka booliiska oo qaabilsan amniga reer guuraaga. 3. eeg darwiish.
dariiqo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Jameeco wadaaddo ah, leh maamul, digri iyo ducooyin u gaar ah, kuna abtirsata shiikh weyn.
khaliif [m.l]
1. (dii.) (khulafaa, m.dh) Afartii madax oo Nebi Maxamed (n.k.h.a) ku xigtay (Abuubakar, Cumar, Cismaan iyo Cali) darajada iyo magaca loo yiqiin. 2. (-fyo, m.dh) Nin wakiil ka ah Shiikh xertiisu meelo badan joogto.
mashaa'ikh [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
eeg shiikh.
sheekh [m.l]
ld shiikh.
shiikh-habaabis [m.l]
Qof hadal badan, been-low ah hadalkana qurxiya oo run u ekey-siiya.
shiikhnimo [m.dh]
(dii.) Shiikh ahaansho.
turaab [m.dh]
Carro laga soo qaado shiikh la qaddariyo xabaashiisa si barako looga helo.