Site icon Qaamuus

jawaabta

shiilan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-lnaa, -lnayd)

Wax la shiilay ahaansho. ld shiilaysan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shiilan

oodkac [m.l]
Hilib yaryar oo shiilan oo keyd gala; muqmad.

muqmad [m.dh]
Hilib aad u yaryar oo shiilan oo cunno ahaan dad u keydsadaan; oodkac.

shiilaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
ld shiilan.

shiilnaan [m.f.dh]
eeg shiilan. ld shiilaysnaan, shiilaysnaansho, shiilnaansho.

shiil [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-lal/-lo, m.l)
1. Qodob madaxiisa ballaaran oo inta la kululeeyey wax buka lagu gubayo. 2. Barta ama raadka uu oogada ku reebo dabkaas. 3. Sh. ah: dhagax madow oo marka la isku dhufto dab bixiya. 4. Sh. ah: midab aad u madow oo dadku yeesho.

shiil [m.dh]
Dhagax dab lagu kululeeyey oo caddaaday.

shiil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iilay, -iishay)
1. Subag ama saliid kulul wax ku bislayn. 2. Burcad subag iyo caaneeyo u kala saarid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version