shin
(m.l)1. Waqti. 2. Sid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shin ↴
gaaggur [m.dh] (-rro, m.dh)
Godka shinnida malabka ku kaydsato.
laashin [m.l] (-nno, m.dh)
Qof maansada tiriya.
laashin [m.dh] (-imo, m.dh)
Laba laamood oo mataano ah middood.
laashinnimo [m.dh]
Laashin ahaansho.
naashnaashin [m.dh]
ld nashnaashin.
raashin [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Cuntada daruuriga ah ee dadku ku nool yahay; gasiin.
xabagbarsho [m.dh]
Malabka awlalka ku jira mid ka mid ah oo shinnidu si gaar ah u samayso; waa miid sida xabagta dhirta qaar-keed u cad oo aan gows iyo wax kale midna dheehin, oo boqoraddeedu cunto. ld xabag-barshe, xabagbarshi.
awlal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Feeraha iyo hilibka saaran. 2. Iskujirka malabka iyo xabagbta shinnida.
barshin [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld barkin¹.
barshinwaraabe [m.l]
ld barkinwaraabe.